Sehnsucht nach Frieden (somali) |
|
|
|
Quursigii noqey cudur, qalin lagu daweyn karin von Abdullahi A. Osman Qarniyo badan ka horoow Qoys buu ahaa Aadmigu Deegaan qura ku noolo Qaawanoo is garab dega Debka wada qaaqama Haddey gaajo qabatana Qudaar geedaha ka goosta Ama Qaanso, Falaar iyo dabin Quudkiisa ku raadsada Kuwa baahi qaxaa iyo Qaaxootina ma uu jirin. Kuwaan quusaneynoo Qur gooyaba ha gaartee Qarsinkoodoo buuxsama Qasadkoodu uu yahey Damaca iyo Quursigu Qaloocuna wuu jirey Haddii la is qiilaafoo Hubka la isku qaatana Qarax iyo Xasuuq badan Qasaarahani ma uu jirin. Qoyskii hadaba taran Qaaradana u kala guur Qaar baa Dayax tegey Kuwana qaawan waliyoo Debkii qaaqamaayaan Inkastoo dhibaatada qaar Qodobo iyo xal loo heley Jahligiina la quusiyey Qoonsigii sii badey Quursigii noqey cudur Qalin lagu daweyn karin. Waayaha qiraayoo Nabadaan Qalin lagu helin Qorey laguma gaaroo Qasaarihii ogaanaye Waxaan qaawilaayaa Dagaalada qaraar iyo Qaxa oo xal loo helo Qaraxa iyo hubkuna go’a Qofna baa la dhimanoo Laga gudbo quursiga Aadmiguna sidii qoys Qarniyo nabad ku wada nool. erschienen in: Talktogether Nr. 29/2009
|